Since 1960 – wasiirka diinta oo magacaabay guddi midaynaysa eedaanka salaadaha

Wasiirka Diinta oo Magacaabay Guddi Midaynaysa Eedaanka Salaadaha Thursday, 24 January 2008

Hargeysa (SN)- Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh Maxamuud Suufi Maxamed ayaa Magacaabay   Guddi Culimo   ah oo ka hawl gali doona Midaynta Eedaanka Salaadaha ee Dalka oo dhan.

Wasiirka oo shalay  xafiiskiisa  ku qabtay  Shir jaraa’id  ayaa waxa uu  ku shaaciyay in  guddi shan xubnood  ah uu u magacaabay  inay mideeyaan  eedaanka Salaadaha oo   wakhtiyo   kala dambeeya  laga adimo ,   waxaanu sheegay  inay  muddo dheer  wadeen  cilmi baadhis    iyo daraasad  ku saabsan  sidii    loo heli lahaa wakhti  isku mid   ah oo ku saabsan  eedaanka Salaadaha   , iyadoo  qorshahaasi  oo  ay   ka sameeyeen  dalka oo dhan.

Waxaanu sheegay  inay  dhawaan   hawshaasi  ay  bilaabi doonaan  waxaanu xusay in  laga raysan doono  kala dambayntii  eedaankii Salaadaha  oo Mushkilado badan.

Agaasimaha  guud ee Wasaarada Diinta  iyo Awqaafta  Sh  Maxamuud Axmed Cali  oo isaguna  shirka ajaraa’id  ka hadlay  ayaa tilmaamay  in guddidaasi  ka hawl geli doonaan  daryeelka  Masaajidada   ee dhinacyada Biyaha , Laydhka  iyo Midaynta  Wakhtiyada   eedaanka Salaadaha.

Sh . Ismaaciil Cabdi Hurre  oo guddidan  ka mid ah   oo shirkaasi   Jaraa’id  ka hadlay  ayaa waxa uu sheegay in hawshan   loo xil saaray   ay si  fiican  oo baahsan  oo heer qaran ah  uga  hawl geli doonaan guud ahaanba dalka.

Guddida Wasiirku  Magacaabay  Waxay Magacyadoodu kala yihiin:

Sh . Ismaaciil  Cabdi Hurre

Sh . Khaliid Cabdulle Axmed

Sh . Maxamed Aadan Muxumed

Sh . C/raxmaan  Axmed Cabdi

Sh. Maxamed Ismaaciil Khayre.

By Somaliland Nation/ Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *